Heemaal News Network

Trump Oo Dacwad Ka Dhan Ah Tirinta Doorasahada U Gudbiyey Maxkamada Arizona

Shaqaalaha ololaha doorashada ee Donald Trump ayaa mar kale aaday maxkamada gobolka Arizona, halkaas oo ay ku andacoonayaan inay jireen khaladaad ka dhacay qaabkii ay u dhacday doorashada.

Dacwada ayaa si rasmi ah loo xareeyay habeenkii Sabtida waqtiga Mareykanka. Saraakiisha Trump iyo Xisbiga Jamhuuriga ayaa dalbanaya in tiro aad u badan oo waraaqaha codeynta ah dib loogu eego gacanta.

Sababta ayaa ah eedeyn ah in waraaqaha doorashada si qaldan loola dhaqmay shaqaalaha doorashada. Waraaqaha codbixinta ayaa la sheegay in lagu diiday xaalado jiray in shaqaalaha doorashada fursad loo siin waayey in ay saxaan khaladaadka.

Wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweynaha, Trump wuxuu sameeyay eedeymo badan oo aan cadayn laheyn oo ku saabsan musuqmaasuq doorashada, shaqaalihiisiina wuxuu dacweeyeen meelo badan, dacwadahana wali laguma guuleysan.

Related posts

Wafdi ku Wajahan Itoobiya Iyo Museveni Oo ka Noqday Baaq Nabadeed Oo Uu U Diray.

Heemaall

R/Wasaarihii Hore Ee Somaliya Cumar Carte Oo Oo ku Geeriyooday Hargaysa Iyo Dowlada Oo ka Hadashay

Heemaall

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Wasiirka Beeraha Kaluumaysiga Jabuuti

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More