Heemaal News Network

Trump Oo Digniin kasoo Saaray Xil ka Qaadista loo Qorsheeyay.

Madaxweynaha xilkiisu sii dhammaanayo Donald Trump ayaa wax fool xun ku tilmaamay dadaallada ay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ee Congress-ka ugu jiraan in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha maadaama uu qalalaase kiciyay.

Wuxuu Trump ka digay in arrintaasi ay sababi karto cadho aad u xoog badan.

Aalka Wakiillada ayaa lagu wadaa in ay maalinta Arbacada ee barri ah u codeeyaan qodobka dastuurka ee xil ka qaadista loogu sameynayo Trump.

“Waxay ila tahay in [howsha xil ka qaadista] ay sababeyso cadho xad dhaaf ah oo ka dhan doonta waddankeenna. Anigu ma doonayo qalalaase,” ayuu yidhi Trump.

Wuxuu madaxweynaha xilkiisu sii dhammaanayo hadalkan jeediyay xilli uu maanta ka sii baxayay Aqalka Cad, isagoo ku sii socday gobolka Texas ee darbiga xadka laga dhisayo.

Donald Trump ayaa xilka ka dagi doona 20-ka bishan January, marka xafiiska loo dhaariyo Joe Biden, oo ah madaxweynaha la doortay.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence ayaa cadaadis xoog leh lagu saarayaa in uu codsado sidii xafiiska looga eryi lahaa Trump, markaas kaddibna uu isagu ku sime sii ahaado inta laga dhaarinayo Mr Biden.

Xildhibaannada Congress-ka ayaa maanta u codeeyay in Mr Pence uu codsado xil ka qaadista Trump. Laakiin waxay wararku sheegayaan in Mike Pence uusan mowqifkaas taageersaneyn, tallaabana u qaadi doonin in sidii xilka looga qaadi lahaa madaxweynaha ay isku xisbiga kasoo jeedaan.

Related posts

Dhulgariir Soo Noqnoqday Oo Ka Dhacay Magaalada Boorama

Heemaal

Somaliland Oo Muqdisho U Mastaafurisay Xildhibaan Musharax Mustafa Dhuxulow.

Heemaall

Senator ka Tirsan Aqalka Sare Ee Somaliya Oo Isku Casilay Arimaha Somaliland

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More