Malaayiin shacabka Mareykanka ah ayaa si ku meel-gaar ah u lumiyay kabista dhaqaalahabdadka ay shaqo la’aantu hayso, kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu diiday in uu saxiixo sharciga gargaarka ee loo yaqaan ‘ gargaarka Covid ‘ si loo dhaqangaliyo.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa ka digay “cawaaqib xumo” haddii Mr Trump uu sii wado dib u dhigista saxiixa laakiin xilligii loo qabtay oo Sabtidii shalayahayd ayaa hadda la dhaaftay.
Dhaqaalaha ay heli lahaayeen dadka shaqo la’aanta ah ayuu arrinkan saameyn doona.
Lacag gaaraysa $ 900bn (£ 665bn) ayuu Koongaraska ansixiyay kadib bilooyin wadahadalo adag iyo tanaasul ah.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka fiidnimadii Sabtida, Mr Trump wuxuu mar kale difaacay mowqifkiisa ku aaddan arrintan, wuxuuna sheegay in lacagtani aad u yartahay iyadda oo hadda la qorsheeyey in la siiyo qoyskiiba 600 oo dollar, balse Trum doonayo in laga dhigo 2000 oo dollar.