Heemaal News Network

Trump Oo Eryey Wasiirkiisii Gaashaandhiga

Madaxweyne Donald Trump ayaa waxa uu shaqadii ka eryay Xoghayaha Gaashaandhigga Mark Esper, isagoo bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in sarkaalkaas sare ee Ameerikaanka ah “xilkii laga qaaday”.

Christopher Miller, oo ah madaxa Xarunta Qaran ee la dagaalanta argagixisada, ayaa durbadiiba xilkaas la wareegi doona.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa kaddib markii Mr Trump iyo Mr Esper ay si cad isu khilaafeen todobaadyadii la soo dhaafay.

Mr Trump ayaanan illaa hadda ogolaan in doorashada uu kaga adkaaday madaxweynaha la doortay Joe Biden, waxa uuna wacad ku maray in natiijada la shaaciyay uu maxkamad gayn doono.

Mr Esper ayaa waxa ay madaxweynaha isku-qabteen isticmaalka Aqalka Cad ee milateriga uu u adeegsaday inay ku caburiyaan deganaanshiyo la’aanta ka dhalatay dibadbaxyo loogaga soo horjeedo caddalad darrada midabka ku salaysan ee dhacayay bilowgii sanadkan.

Todobaadyo ka hor inta uusan Mr Biden la wareegin xafiiska waa 20 Janaayo-ee, ayaa Mr Trump waxa uu awood u leeyahay inuu go’aanno gaaro.

Markii dibadbaxyada ay gilgileen Mareykanka markaas oo uu ninkii madoobaa ee George Floyd ku dhintay gacmaha booliska magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota, bishii May, ayuu Mr Trump waxa uu ku gooddiyay inuu milateriga u adeegsan doono in dibadbaxyadaas ku cabburiyo.

Bishii Juun, Mr Esper, oo hore uga tirsanaan jiray milateriga, ayaa sheegay in laga maarmo in ciidammada milateriga arrintaas loo adeegsado, hadalkaas oo la ogaa in Aqalka Cad uusan ka farxin.

Iskudhaca kaddib, ayaa waxaa aad la isula dhexmaray in madaxweynaha uu xilka ka qaadi doono wasiirka gaashaandhigga, sidaas oo ay tahayse xilka qaadista sarkaalkaasi ayuusan Mr Trump waxba ku sababayn.

Related posts

Gantaalo Lagu Weeraray Caasimada Amxaaradda Ee Bahirdar

Heemaal

Inta Badan Musharaxiinta Madaxtinimada Somaliya Oo Qaadacay Gudiga Doorashooyinka.(Akhriso)

Heemaall

Taliska Ciidanka Oromiya Oo Sheegay Inay Dileen 142 Qof Oo ka Tirsan Jabahada OLF-Shene

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More