Dhakhaatiirta Isbitaalkii la Dhigay Trump Oo War Cusub kasoo Saaray Xaalada Madaxwaynaha.(Sawiro)

Dhakhaatiirta ku howlan daweynta Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo laga helay cudurka COVID-19 ayaa sheegay in daawada la siiyay uu illaa hadda ku roonaaday.

Dr. Sean Conley oo ka tirsan Isbitaalka militeri ee Mr Trump la dhigay ayaa shir jaraa’id ka sheegay in Madaxweynuhu caadi u neefsanayo, aysana jirin hadda wax laga welwelo.

“Naqasku mahayo, sida oo kalana waxaa uu ku dhex socdaa Isbitaalka dhexdiisa” ayaa uu sheegay dhakhtarka oo intaas ku daray in qufac yar oo uu markii hore lahaa hadda uu sii yaraanayo, wax xumad ahna aan lagu arkin 24-kii saac ee u dambeeyey.

Dhakhtarku waxa uu sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda wadnihiisa, beerkiisa iyo keliyihiisa oo uu sheegay in hadda ay dhammaan dabiici yihiin. Laakiin dhakhaatiirtu waxay diideen in ay sheegaan goorta uu Isbitaalka ka baxayo. Sidoo kale waxay ka gaabsdadeen in Madaxweynaha markii hore lagu xiray Mishiinka neefta.

Xaaladda madaxweyne Trump ayaa walaac badan ka abuurtay Maraykanka, maadaama oo da’diisa 74 jirka ah awgeed uu ka mid yahay dadka u nugul xaaladaha khatarta ah ee ka dhasha Coronavirus.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy