Heemaal News Network

Trump Oo Diiday Natiijada Doorashada Iyo Dabaal-dega Taagerayasha Biden Oo Socda.(Sawiro)

Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa ka soo horjeestay natiijada doorashadii ka dhacday Maraykanka oo uu ku guuleystay musharaxii xisbiga dimoqraadiga Joe Biden.

“Dhammaanteen waan ognahay sababta uu Joe Biden ugu ordayo inuu si been ah isaga dhigo qofka guuleystay, iyo sababta warbaahinta isaga saaxiibbada la ah ay ugu dadaalayaan inay si adag u caawiyaan, ma doonayaan in runta la soo bandhigo,” ayuu yiri Trump oo ciyaaraha golf ku ciyaayey xaruntiisa Virginia, xilligii uu soo baxayey warka sheegayey in Biden uu ku guuleysanayo doorashada madaxtinimada Mareykanka.

“Xaqiiqada la ogyahay waxay tahay in doorashadan aysan dhamaasho u dhoweyn,” ayuu sidoo kale intaas ku daray Trump oo xusay in tirinta codadka aysan weli dhammaanin, aysanna ansixinin saraakiisha doorashada, wararka ay warbaahinta shaacinayaan.

Donald Trump, isagoo aan caddeyn u haynin ayuu sheegay in kooxda ololaha Biden ay doonayaan in codadka la tiriyo xitaa iyadoo wax is dabamarin ay jirto ama codad been ah ama in ay codeyeen dad dhintay iyo kuwa aan u qalmin.”

“Muxuu Biden qarinayaa? Ma nasan doono illaa shacabka Mareykanka ay ka ogaanayaan tirinta codadka oo daacad ah, taana waa midda Dimuquraadiayadda ah”. ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Dhinaca kale, Taageerayaasha Biden ayaa si weyn ugu dabbaaldagaya magaalooyinka Maraykanka tan iyo markii uu soo baxay warka sheegaya inuu Biden ku guuleystay natiijada doorashada Mareykanka.

Related posts

Borama:-Wasiirka Dinta iyo Awqafta Oo Kormeray Dhismaha Xarunta Dayactirka Kutubta Qur,anka.

Heemaall

Madaxwaynaha Gobolka Tigray Oo ku Hanjabay inuu Weerarayo Eritreya.

Heemaall

Qoys Hindi ah Oo Dacwo ka ah Gabadhooda Oo ku Dhibaateysan Soomaaliya.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More