Heemaal News Network

Trump Oo Laga Duubay Cod Fadeexad ku Noqotay.

Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u hadal heysa cod sir ah oo laga duubay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee dalka Mareykanka Donlad Trump , waxaana codkan uu hadal heyn badan ka abuuray gudaha Mareykanka.

Codkan sida qarsoodiga ah looga duubay Madaxweyne Donald Trump ayaa laga maqlayay isaga oo Xoghayaha Maamulka Georgia State ku cadaadinaya inay wax ka bedalaan natiijadii doorashadii looga guuleystay .

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaana baahinaya codkan laga duubay Madaxweynaha uu ku codsanayo in wax laga bedelo natiijada doorashada Georgia State si culees loo saaro Musharaxa ku guuleestay Doorashada ee Joe Biden.

Shaacinta codkan sirta ah ee laga duubay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee dalka Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili ay fashilmeen dacwado badan oo Xisbiga Jamhuuriga ka gudbiyeen natiijada doorashadii Trump looga guuleestay.

Natiijada doorashada ay soo gudbiyeen dowlad goboleedyada dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in maalinta arbacada ay ansixiyaan natiijada doorashada uu ku guuleestay Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden.

Related posts

Xil. Xoog Oo si Adag Uga Horjeestay Miisaniyadda 2021 Ee Somaliland Iyo Xeerka Cashuuraha

Heemaall

Khasaaro ka Dhashay Dagaal Beeleed ka Socda Gobolka Hiiraan.

Heemaall

Talyaaniga Oo ku Wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir Gaadiid iyo Qalab kale.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More