Heemaal News Network
Caalamka

Trump Oo Lagu Eedeeyey In Uu Burburiyey Siyaasadii Arimaha Dibada Maraykanka

Siyaasada arimaha dibada Mareykanka ayaa waxaa ku yimid Jahawareer tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Donald Trump dabayaaqadii sanadkii 2016-ka.

Mr Dennis Etler, oo aqoon u leh siyaasada ayaa qaba in Washington ay dhax maquuraneyso jahawareerkii ugu darnaa ee soo mara Taariikhda siyaasada arimaha dibada Mareykanka.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo Isniintii shalay madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay in uu burburin doono dhaqaalaha Turkiga kadib markii saacado uun ka hor uu ku dhawaaqay in ciidankiisa uu kala baxayo Suuriya.

Dennis Etler ayaa tilmaamay in Trump uusan aqoon wanaagsan u laheyn marka ay imaado la macaamilka Mareykanka iyo Dal Kale.

Xukuumada Washington ayaa mugdi galisay xiriir soo jireen ahaa oo ay la laheyd wadamo badan iyadoo kuuriyada waqooyi ay maalmo ka hor sheegtay in Mareykanka uusan dulqaad laheyn marka ay timaado in la Wadahadlo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More