Heemaal News Network

Trump Oo Lumiyey Xakimihii, Kana Cadhooday Taageero Laa’aanta Taageerayaashiisii

Donald Trump ayaa ka cadhooday, kana xumaaday in dad kooban ay u soo baxaan taageeradiisa xilli uu ka daawanayey TV-ga ama waddooyinka, ilo ku dhow madaxweynaha ayaa u sheegay CBS News.

Trump ayaa rajeynayey in taageerayaal badan uu ku haysto Maraykanka kuwaas, oo siin doona codkooda dhanka kalena dartii u muddaharaadi kara.

Waxay yidhaahdeen ilahaas ku dhaw madaxweynaha wuxuu daawanayay TV-yo badan, wicitaano ayuu sameynayay, wuxuuna waqtigiisa Jimcaha u kala qeybinayay Xafiiska Oval iyo hoygiisa.

In kasta oo kooxda ololaha Trump ay muujinayaan dagaalkiisa sharciga ah, ma jiraan istiraatiijiyad cad o ay goor hore ka lahaayeen arrintan. Qaar ka mid ah kaaliyayaashu waxay qirayaan in waxaas oo dhami ay ahayd in laga fikiro bilo ka hor, laakiin cidina ma rabin inay wadahadal kala yeelato madaxweynaha.

Sida talaabooyinka xiga ee dacwadda, ilaa wax muhiim ah laga arkayo, dhammaantood waxaa isha lagu wada hayaa Pennsylvania. Haddii farqiga uu dhexeeyaa yar yahay, tartanka Maxkamadda Sare oo uu ku guuleysto ayaa caawin kara Trump.

Haddii laakiin se farqiga guushu u janjeedho dhanka Biden, kiiska Pennsylvania wax macno ah ma lahan. Waxaana kooxda sharciga u qaabbilsan ay awoodda saari doonaan gobollada kale.

Related posts

Goobaha Cod Tirinta Ee USA Oo Ciidan Badan La Dhoobay

Heemaal

Madaxweynaha Mexico Oo kasoo Horjeestay in si Deg-deg ah Loogu Hambalyeeyo Joe Biden

Heemaall

Madaxweynaha Kenya Oo ka Hadlay Dagaalka ka Oogan Gobolka Tigrey Ee Itoobiya

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More