Heemaal News Network

Trump Oo Ogolaaday In Uu Xilka Si Nabad Ah U Wareejiyo.

Madaxwayne Doland Trump ayaa sheegay inuu diyaar diyaar u yahay inuu xilka si nabdoon oo nidaamsan u wareejiyo, kadid guuldaradii kala kulantay ansixintii cododakii doorashada ee ay galayaasha baalamaanka iyo odayaasha Maraykunku ansixiyeen xalay.

Hadalkan ka soo yeedhay Trump ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti ay xubnaha ku jira gudi hosaadka kongreska ee dhinaca Garsoorka ee Aqalka ay ku baaqeen in awooddiisa madaxweynenimo meesha laga saaro mudada ka yar 2da todobaad ee u hadhay.

Dimuquraadiyiintu waxay warqad u qoreen madaxweyne ku xigeenka Mike Pence oo ay ku boorinayaan inuu ka shaqeeyo sidii xilka looga qaadi lahaa Donald Trump, iyagoo sheegay inuu kiciyay ficil kacdoon ah oo ay tilmaameen inuu ku doonayay inuu wiiqo dimuqraadiyada”

Soo jeedintan u dambaysay ayaa waxay diirada saaraysaa qodobka 25-aad ee dastuurka Mareykanka, kaasoo oggolaanaya isku wareejinta awoodda madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, si ku meelgaar ah ama joogto ah.

Qodobkan 25aad wuxuu u oggolaanayaa madaxweyne-ku-xigeenku inuu noqdo ku-sime madaxweyne marka madaxweynuhu awoodi waayo inuu guto shadiisa, haddii tusaale ahaan, uu noqdo ama noqoto kuwa itaal gaba sababo la xiriira jir ahaan ama maskax ahaan labadaba.

Related posts

Farmaajo Oo Bogaadiyay Dadaallada Xukuumadiisu ka Wado Arrimaha Doorashooyinka.

Heemaall

Xisbiga Wadani Oo Dacwada Ka Gudbiyay Haweenay Ku Tacadiday Gabadh Yar.

Heemaall

Golaha Wasiirada Oo ka Dooday Ciidanka la Geeyay Xadka Kenya Iyo Qodobo kale Oo Xasaasi ah.(Sawirro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More