Madaxweyne Donald Trump ayaa qirtay inuu mas’uul ka yahay qayb weerarkii kooxda taageert xoog ku galeen, Congress-ka Washington toddobaadki hore, ilo wareedyo ayaa u sheegay Fox News.
Laba ilowareedyo ayaa u sheegay in hogaamiyaha laga tirada badan yahay ee jamhuuriga ee aqalka wakiilada Kevin McCarthy uu u gudbiyay fekerka madaxweynaha xubno ka tirsan aqalka hoose iyagoo ku wada hadlay qadka taleefanka.
Sida laga soo xigtay Fox, xildhibaanka reer Kalifoorniya wuxuu ogolaaday in Trump uu mas’uul ka ahaa qayb ka mid ah rabshadihii ka dhacay congresska. Aqalka Cad ayaan ilaa iyo hadda ka hadlin macluumaadkan.