Trump Oo si Qaawan U Weeraray Soomaalida ku Dhaqan Gobolka Minnesota.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday Soomaalida ku nool gobolka Minnesota.

Trump oo boqolaal kamid ah taageerayaashiisa la hadlayay, ayaa Soomaalida iyo qaxootiga ka yimid dalalka Islaamka ku tilmaamay inay la wareegidoonaan oo burburindoono Minnesota, haddii uu guulaysto musharaxa la tartamaya Joe Biden.

Madaxweyne Trump ayaa afar sano kadib mar kale ololihiisa doorashada ku galaya la dagaalanka iyo nacaybka soo galootiga ah ee ka imaanaya inta badan wadamada Islaamka

Trump wuxuu mar kale weerar afka ku qaaday xildhibaanada Congress-ka Ilhan Omar, isgoo ku tilmaamay inay tahay Xagjir geysatay fal dambiyeedyo.

03 November sanadkan, dalka Maraykanka waxaa ka dhicidoonta doorashada madaxtinimada.

Madaxweyne Trump ayaa loolan adag kala kulmidoona madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka, Joe Biden oo sanadkaan ah musharaxa ka socda xisbiga dimuqraadiga .

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy