Madaxweynihii hore ee Maraykanka ayaa ma kale ka badbaaday xil ka qaadis, kadib markii aqalka sare ee Maraykanku u codooyey dhankiisa.
Dacwad oogayaasha ayaa waayey aqlabiyadii ay u baahnaayeen oo ahayd saddex meelood, labbo meelood, iyada oo ay ka dhigan tahay in Trump lagu waayey dacwadii lagu soo oogay ee ahayd in uu ka danbeeyey weerarkii lagu qaaday guriga looga taliyo Maraykanka.
War saxaafadeed, madaxweynihii hore uu soo saaray wuxuu ugu dabaaldegay dacwadda lagu waayey.
Wuxuuna sida oo kale uu cambaareeyey xisbiga Dimuqraadiga isaga oo ku tilmaamay waxa ay ku dhaqaaqeen iney tahay billowga talaabbooyinka ay dalka la damacsan yihiin, isaga oo amaan u soo jeediyey qareenadii difaacayey una mahad ceeliyey.