Heemaal News Network
Caalamka

Trump: Waxaan Badalaynaa Hogaanka Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa diiday in cunaqabateynta laga qaado dalka Iiraan xilli xiisad adag ay u dhaxeyso Washington iyo Tehraan.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay xafiiska Oval ee aqalka cad, xilli ay garabkiisa fadhisay xaaskiisa Melania.

Waan arki doonaa waxa xiga ee dhaca waxaan u maleynayaa in Iiraan iyo waqooyiga Kuuriya ay yihiin labada wadan ee xiligaan aan la xisaabtameyno.

Trump ayaa dhanka kale meesha ka saaray in Washington ay dooneyso in isbadal lagu sameeyo hogaanka Iiraan.

Ugu danbeyn waxaa uu sheegay in hadii xaalada ay sida ku haboon ay ku soo laabato ay waxwaliba caadi ay noqon doonaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More