Heemaal News Network

Trump “Way Adag Tahay In La Qirto Guul Darro”

Donald Trump ayaa sheegay inuu ka tagayo Aqalka Cad hadii Joe Biden si rasmi ah loogu caddeeyo inuu yahay madaxweynaha xiga ee Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa diiday inuu aqbalo guuldaradii ka soo gaadhay codbixintii 3 November, wuxuuna saxaafada u sheegay khamiistii inay adkaan doonto in la ogollaado.

Waxa kale oo uu mar kale ku celiyey sheegashooyin aan caddayn lahayn oo ah musuqmaasuq codbixineed.

Mr Biden wuxuu ku hogaaminayaa Mr Trump 306 cod halka uu helay 232 iyadoo la raacayo nidaamka ergada doorashada ee lagu soo xulo madaxweynayaasha Mareykanka.

Tirada ayaa aad uga badan 270 oo ah intii loo baahnaa in lagu guuleysto, Mr Biden ayaa sidoo kale hoggaaminaya codbixinta dadweynaha in ka badan lix milyan.

Codbixiyeyaashu waxay kulmi doonaan bisha soo socota si ay cod rasmi ah uga dhigaan, iyadoo Dimuquraadiga Joe Biden loo dhaarin doono xilka madaxweynenimada 20-ka bisha Janaayo.

Madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayaa dacwado dhowr ah oo dhanka sharciga ah u gudbiyey doorashada, laakiin badankood waa ladiiday.

Horraantii toddobaadkan, Mr Trump wuxuu ugu dambayntii ogolaaday diyaarinta kala-guurka rasmiga ah ee kooxda madaxweynaha la doortay ee Biden inuu bilowdo, ka dib dhawr toddobaad oo uu hubaal la’aan ahaa.
Markii la weydiiyay Khamiista inuu aqbali doono inuu ka tago Aqalka Cad hadii uu ku guuldareysto codeynta ergada doorashada, wuxuu yidhi: “Xaqiiqdii waan ka tegi doonaa, xaqiiqdii waan tegi doonaa waadna ogtihiin taas.”

Si kastaba ha noqotee, wuxuu sii waday inuu dhaho “hadii ay doortaan [Joe Biden], qalad ayeey sameeyeen”, wuxuuna soo jeediyay inuusan marnaba aqbali doonin in laga adkaado.

“Waxay noqon doontaa wax aad u adag in la qirto maxaa yeelay waxaan ognahay inay jirto khiyaano aad u weyn,” ayuu yidhi, eedeyn uusan cadeyn u soo bandhigin.

Ma uusan caddayn inuu ka qeyb galayo caleema saarka Mr Biden iyo in kale.

Nidaamka doorashada Mareykanka, codbixiyayaashu si toos ah uma doortaan madaxweynaha xiga. Ta abadalkeedd, waxay u codeeyan saraakiisha 538, kuwaas oo loo qoondeeyey gobolada Mareykanka iyadoo lagu saleynayo tirada dadkooda.

Madaxweynaha la doortay wuxuu u dabaaldegay mahadnaq aamusnaan ah Khamiistii, maalinta dalkaasi looga yaqaan maalinta mahadnaqa iyada oo kiisaska coronavirus ee Mareykanka ay sii kordhayaan.

Related posts

Xasan Sheekh Oo Muqdisho ka Bilaabay Abaabulka Banaanbaxa ka Dhan ah Farmaajo.

Heemaall

Dawlada Oo Xiray Shirkad ka Hawl-gasha Muqdisho, Xabsi-na ku Guray Shaqaalaheedii.

Heemaall

Toos U Daawo Ciyaarta Gabilay Iyo Xaysimo.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More