Heemaal News Network
Soomaaliya

Turki & Kurdi Qaxooti Ah Oo Ku Dagaalamay Gudaha Jarmalka.

Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa xasillooni ku baaqay kadib markii ay Turkida iyo Kurdiyiinta ee ku nool magaalada galbeedka ee Herne ee dalkaasi Jarmalku dagaalameen, iyaga oo ka dareen celinaya xiisadaha ka dhashay weeraradii ay Ankara ku waaday Kuriyiinta ku dhaqan waqooyiga bari ee Syria.

Booliska ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof ay ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeyay labada qoomiyadood maalintii Isniintii.

“Waxa ay masuuliyadi naga saaran tahay inaan ka hortagno in qalalaasaha ka oogan Suuriya oo noqdo mid saamayn ku yeesha Jarmalka iyo dadka ku nool” ayuu yidhi Annette Widmann-Mauz oo ah wakiilka is dhexgalka bulshooyinka ee dalka Jarmalka oo u wargayska Funke.

“Waxaan rajaynayaa in dhammaan dhinacyada dagaalamay ee labadan qoomiyadood iyo , gaar ahaan ururada muhaajiriinta iyo hogaamiyayaasha diintu ay talaabo qaadaan si ay ubaajiyaan isku dhac kale oo qasaare intan ka badan gaysta” ayuu yidhi

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More