Heemaal News Network
somali

Turkiga:-Erdogan Oo kasoo Horjeestay Iney Finland iyo Sweden ku Biiraan NATO

Madaxweynaha Turkiga Racip Tayib Erdogan ayaa ka soo horjeedo in waddamada Finland iyo Sweden ay ka mid noqdaan Gaashaan-Buurta NATO.

Erdogan ayaa sheegay iney la habboon tahay Finland iyo Sweden sida ay siyaasadda caalamka muddo dheer dhexdhexaadka uga ahayn ay dhexdhexaad uga sii ahaadaan.

Codsiga ay gudbiyeen waddamada Finland iyo Sweden waxaa si weyn uga carootay Moscow.

Labada dal oo muddo dheer siyaasadaha caalamka dhexdhexaad ka ahaa ayaa dagaalka Ukraine marka uu billaawday kaddib go’aansaday iney ka mid noqdaan NATO.

Ruushka ayaa ka digay in Finland iyo Sweden oo ku biiraan gaashaan buurta NATO ay horseedi doonto in gobolka Baltic lagu dagaallamo.

Wasiirka Arrimaha dibadda Canada Melanie Joly oo warfidiyeennada la hadashay ayaa sheegtay iney doonayaan iney arkaan Finland iyo Sweden oo ka mid noqday gaashaan buurta NATO.

Hay’adda u xilsaaran adeeg bixinta korontada Finland ayaa xaqiijisay inuu Ruushka hakiyey korontadi ay ka heli jiren.

Related posts

Saraakiil Isku soo Dhiibay Somaliland Oo Sheegatay Inay kasoo Goosteen Ciidanka Denab Ee Somaliya.

Heemaall

Koofurta Suudaan Oo Markale Dagaal Madaxtinimo Ka Qarxay

Heemaal

LIVE-TOOS:- Ciyaarta Finalka Ee D.H.Borama VS W.Maaliyadda Borama Ee Kooxaha Heerka 1-aad Ee Gobolka Awdal

Heemaall