Heemaal News Network
Soomaaliya

Turkiga Oo Gargaar Gaarsiiyay Dalalka Spain Iyo Italy Oo Corona-virus Fara-ba’an ku Haya.

Masuuliyiinta Turkigu waxa ay sheegeen in gargaar caafimaad ay u direen dalalka Spain iyo Italy ee uu xanuunku coronavirus aafeeyay, waxana gargaarkan oo lagu daabulay garoonka Etimesgut ee caasimada Ankara.

Deeqdan gargaarka caafimaad ah ayaa waxa ay ka kooban tahay dhamaanteen agab laga soo saaray gudaha dalkaasi kaas oo ay ka mid yihiin qalabka difaaca ah ee la xidho, maasgarooyinka wajiga, muraayadaha indhaha ee difaaca loogu talo galay, iyo daawooyin loogu talo galay in ay jeermiska disho,waxana dhamaan gargaarkan lagu qaaday diyaarado ay leeyihiin milatariga dalkaasi Turkigu oo noocoodu tahay diyaarad uu milatariga dalkaasi leeyahay laga qaaday A400.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More