Heemaal News Network
somali

Turkiga Oo Ka Hadlay Weeraradii Ka Dhaacay Awdheegle Iyo Bariire

War-Saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga ayaa si adag loogu cambaareeyey weerarradii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin magaalooyinka Awdheegle iyo Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qoraalkan ka soo baxay dowladda Turkiga ayaa ugu horeyn lagu yiri,
Waxaa ka murugoonay in aan helno warka sheegaya in askar iyo dad badan oo rayid ah ay naftooda ku waayeen Soomaaliya maanta weeraradii argagixiso ee lala beegsaday ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan foosha xun ee argagaxiso, waxaana si kal iyo laab ah ugu tacsiyeynaynaa dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay Soomaaliyeed. Waxaan Allaah uga rajeynaynaa naxariistiisa kuwii ku nafwaayay weeraradaasi si deg deg ahna u bogsiiyo dhaawacyada kale.

Turkiga wuxuu sii wadi doonaa go’aankiisa ah inuu garab istaago dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhinacooda marka laga hadlayo argagixisada.

Related posts

Gudiyadii Doorashada Ee Federaalka Iyo Maamul-goboleedyada Oo la Kala Diray.(Sawiro)

Heemaall

Odayaasha Dhaqanka Awdal Oo ka Hadlay Geerida Suldaan Samatar.

Heemaall

Wuxuu Jabiyey Xeerka Covid, Wuxuuna U Dhintay Jimicsi Lagu Ganaaxay

Heemaal