Heemaal News Network

Turkiga Oo ku Gacan Seyray Go’aan kasoo Baxay Baarlamanka Midowga Yurub.

Dawladda Turkiga ayaa ka hor timid go’aan ay soo saareen Baarlamaanka Midowga Yurub, kaasoo ku aadan arrimaha badda Meditarenianka iyo Jaziiradda Qubrus.

Midowga ayaa soo saaray go’aan ay Turkiga ugu sheegayaan inay farahaa kala baxaan arrimaha badda Meditarenianka iyo Jaziiradda Qubrus taasoo uu ka biyo diiday Turkigu.

Afhayeen u hadlay dawladda Turkiga ayaa sheegay in Turkiga aan marnaba loo yeerin doonin danihiisa guud iyo tiisa gaar ahba, Baarlamaanka Midowga Yurubna aysan wax shuqo ah ku lahayn.

Bilihii la soo dhaafay waxaa kasocday Badda Meditarenianka hawlo shidaal baaris ah, taasoo uu waday Turkigu, sidoo kale waxaa ka taagnaa qalalaase arrintan ka dhashay.

Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in Baarlamaanka Midowga Yurub ay u muuqdaan inay ka qarsan yihiin xaqiiqooyin badan, ayna tahay in ay raadiyaan.

Related posts

Laba Wiil Oo Somali ah Oo Arrin la Yaab leh Iskugu Dilay Switzerland.

Heemaall

Somaliya Oo ka Hadashay Go’aanka Ay Maxkamadda ICJ ku Diiday Dalabkii Kenya.

Heemaall

Turkiga Oo Mar kale U Digay Dalalka Midowga Yurub.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More