Turkiga Oo Lagu Eedeeyay In Diyaarad Dagaal kasoo Rideen Dowlada Armania

Dowlada Armania ayaa ku eedeesay milatariga Turkiga in ay kasoo rideen diyaarad nuuca dagaalka ah maalintii talaada intii uu socday dagaal u dhaxeeyay ciidamada Azerbajian iyo Armania.

War kasoo baxay dowlada Armania ayaa lagu sheegay in diyaarad nuucada f-16 oo leeyihiin milatariga Turkiga kusoo xadgudubtay hawada dalkooda ayna soo riday diyaarad dagaal oo nuuceedu yahay SU-25.

Dowlada Armania ayaana sheegtay in uu geeriyooday duuliyihii waday diyaarada lasoo riday, waxa ayna Turkiga ku eedeesay in weerar gardaro ah kusoo qaaday iyaga oo taageeraya dowlada Azerbajian.

Turkiga ayaa beeniyay eedeynta uga timid dhinaca Armania, waxaana warkan kasoo baxay Armania ku tilmaantay Xukuumada Ankara kuwa been abuur ah oo lagu qarinayo weerarka gardarada ah ee Armania ku qaaday dhulka Azerbajian.

Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogan ayaa horey u sheegay in taageero walbo oo dastuuri ah la garab istaagayaan dowlada Azarbijian, waxa ayna Turkiga ku tilmaameen Armania dowlada cadaw ah oo duulaan qaaday.

Dagaalka u dhaxeeya dowladaha Armania iyo Azerbajian ayaa galay maalintii afaraad, waxaana dagaalkan socda ku dhintay dad gaaraya 100-qof ay ku jiraan dad shacab ah oo labada dal kasoo kala jeeda.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy