Turkiga Oo Sheegay IN Ay Hayaan Muqaal Iyo Cod Cadayna In La Dilay Wariye Jamaal

Dawlada Turkiga ayaa sheegtay in ay heshay muqaal iyo cod laga duubay qunsuliyada Sacuudiga, markii uu socday qorshihii lagu khaarijinaayey wariye Jamaal.

Sacuudigu hore ayuu u beenuyey in uu dilkan ka danbeeyey.

Codkan la helay ayaa muujinaya suda ay wax u dhaceen, waxaana la maqlayaa wariyaha oo ku hadlaya af carabi aadna u qaylinaya, iyadda oo loo malaynayo in jidhdil lagu hayey markaas, muqalka kalena waxa uu muujinayaa qaabkii looga saaray qunsuliyadda.

© Heemaal News Netwok