Turkiga Oo Wacad ku Maray Inuu ku Biirayo Dagaalka U Dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia.

Dagaal u dhaxeeya dowladaha Azerbaijan iyo Armenia ayaa labo maalin kahor ka qarxay gobolka labada dal ku muran sanyihiin ee Nagorno-Karabakh , waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dowlada Turkiga ayaa shaacisay in wax walbo oo karaankeeda oo dastuuri ah ku taageeri doonto dowlada Azerbaijan, waxa ayna ku eedeesay colaadan soo ifbaxday in ay ka dambeeso dowlada Armenia.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan oo ka hadlay dagaalka ka dhax qarxay labada dal ee Azerbaijan iyo Armenia ayaa ugu baaqay wadamada caalamka in ay eegaan gardarada Armenia ayna taageero siiyaan dowlada Azerbijan.

Erdogan ayaa ku tilmaamay dowlada Armenia halista ugu weyn ee gobolka, waxa uuna sheegay in Turkiga diyaar u yahay in taageero walbo oo dastuuri ah in uu siiyo dowlada Azerbijan uu sheegay in weerar gardaro ah lagu soo qaaday.

Dagaalka ka dhax qarxay dowladaha Azerbaijan iyo Armenia ayaa laga cabsi qabaa in uu faraha ka baxo, waxaana socda dadaalo ay wadaan qaar kamid ah wadamada caalamka si looga hortago in labada wadan dhax maro dagaal dhiig badan uu ku daato.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy