Heemaal News Network
Cayaaraha

UEFA Oo Joojinaysa Champions Iyo Europa League, Euro 2020 Oo Sanad Dib Loo Dhigayo.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa ka fikiraya go’aan adag oo ay ku doonayaan in ay gabi ahaanba ku joojiyaan tartamada UEFA Champions league iyo UEFA Europa League waxayna tani saamayn ku yeelanaysaa in hal sano dib loo dhigo Euro 2020.

Kadib cudurka musiibada caalamiga ah loo aqoonsaday ee Coronavirus, waxa uu xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA doonayaa in uu hal sano dib u dhigo tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 si hadda loo kansalo dhamaan tartamada Champions League iyo Europa League.

Wargayska caanka ah ee L’Equipe oo ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa shaaciyay in UEFA ay ka fikirayso in gabi ahaanba la joojiyo ciyaaraha Champions League iyo Europa League isla markaana Euro 2020 dib loogu riixo 2021.

“UEFA waxay talaadada ku dhawaaqi doontaa in hal sano dib loo dhigayo Euro 2020 oo ah ilaa 2021, sababtoo ah Coronaviurs” ayaa lagu shaaciyay xogta L’Equipe.
Xogta L’Equipe ayaa la sii raaciyay: “Qorshaha dib u dhigista sanadka soo socda ee Euro-du waa sidii Champions League iyo Europa league oo hadda la joojinayo loogu ogolaan lahaa in tartamadu dhamaadaan xagaaga”.

 

Arintan ayaa keeni karta khalkhal dhinaca xili ciyaareedkan ah isla markaana saamayn xun ku yeelan kara waqtiga uu bilaamayo xili ciyaareedka cusub ee soo socda iyada oo ayna ciyaartoydu xataa heli karin fasixii xagaaga.

Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in gabi ahaanba xili ciyaareedka horyaalada kala duwan ee Yurub la joojin doono haddii ay xaaladu ka soo rayn waydo iyada oo ay haddaba jiraan horyaalo muddo bil ah la joojiyay oo uu horyaalka Talyaanigu ka mid yahay.

Laakiin haddii UEFA ay sida la sheegay maalinta talaadada ku dhawaaqdo in gabi ahaanba la joojinayo Champions League iyo Europa League isla markaana hal sano dib loo dhigi doono Euro 2020, waxay keeni doontaa isbadal lama filaan ah oo jadwalkii kubbada cagta ah.

Dhacdooyinka la diwaan galinayo ee caabuqa coronavirus ayaa argagax ku sii abuuraya masuuliyiinta ay gacmahooda ku jiraan maamulada kubbada cagtu, waxaana maalmaha soo socda la filayaa in go’aano adag la qaadan doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More