Heemaal News Network

Uhuru Oo ka Digay In laoo Faragaliyo Arimaha Kenya Xilli Ay Somaliya ka Cabatay Faragalintooda.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa digniin u diray dalalka shisheeye isla markaana ka codsaday in aanay soo faragelin arrimaha gudaha ee Kenya, sida ay ku warrantay warbaahinta The Citizen.

Wuxuu sheegay in Kenya aysan ogolaan doonin in wax loo yeeriyo balse ay soo dhawanayaan wadashaqeynta dalalka caalamka.

“Waxaan idiin ka codsanayaa in aad joojisaan isku dayada ku aadan in aad hagtaan, waxaa inoo cad halka aan dooneyno in aan aadno, waxaan idiin ka codsaneynaa in aad nagu soo biirtaan si aad inooga taageertaan si aan wax u qabsanno balse hana soo faragelinina, ma ogolaaneyno in aad wax inoo yeerisaan oo aad ina hagtaan” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.

Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xiisada diplumaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay xoogeysatay, isla markaana aan xal laga gaarin.

Related posts

Puntland iyo Xukuumada Rooble Oo ka Heshiiyay Qodob ay Horay Isugu Mari-waayeen.

Heemaall

Qoor-qoor Oo Qaabilay Wasiirka Gaashaandhiga iyo Madaxa Maxkamada Ciidamada(Sawirro)

Heemaall

Ardayda Wax ka Baranaysay Itoobiya Oo Lagu soo Dhaweeyay Hargaysa..

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More