Heemaal News Network

Uhuru Oo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa U Soo Jeediyey In Uu Iscasilo

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhiiraday in ku xigeenka William Ruto uu u jeediyo baaq is casilaad ah, isagoo dhaleeceyn badan ugu jeediyey khudbad uu ka jeedinayay Jimcihii Uthiru ee is-maamulka Kiambu.

“Waxaad u dhaleeceyneysaa dowladda si xun,adigoo weli ka sii tirsan, Haddii aad rabto wanaagga ama guusha dowladdan, la joog. Haddii kale, isaga tag” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Uhuru ayaa ku xigeenkiisa William Ruto u sheegay inuu dhinac doorto, maadama ay jirto hal dowlad oo kaliya, taas oo guuldareysata ama guuleysata, balse siyaasiyiinta taageera William Ruto ayaa u jawaabay madaxweynaha Kenya, iyagoo sheegay in aysan habbooneyn goobaha fagaaraha wax la isaga sheego, iyagoo Uhuru u soo jeediyey inuu isu diyariyo xilliga uu howlgabka noqonayo oo aan dheereyn.

Arbacadii aynu ka soo gudubnay ayuu Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta waxaa uu sidoo kale meel fagaare ah ka sheegay in uusan dalka ku wareejin doono qof ay dadka reer Kenya ay aamini karaan oo mideynaya,waxana uu xusay in uusan dalka ku wareejin doonin qof tuug ah, waxaana hadda is arki karin madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo hadda bilaabay inay fagaare kasta wax isaga sheegaan.

Related posts

Maamulka Mandheera Oo Walaac ka Muujiyay Xiisad ka Taagan Xadka Somalia Iyo Kenya.

Heemaall

Shiinaha Oo Beeniyay Inuu Diblamaasiyiinta Maraykanka Fara-xumaynayo

Heemaall

Xukun Adag Oo Lagu Riday Hogaamiyaha Mucaaridka Ruushka Iyo Banaan-bax Gil-gilay.(Sawirro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More