Heemaal News Network
Caalamka

UK OO GANAAX LACAGEED DUL-DHIGTAY QOFKII BANAANKA LAGU ARKO

Ingiriiska waxa ay Dawladu shaacisay in ganaaax lacageed oo dhan 35 doolar la dul dhigay qof walba oo ku xadgudba xakamaynta dhaqdhaqaaqa iyo digniinaha caafimaadka ee ay dawladu ku dhawaaqday.

Raysal Wasaare Boris ayaa xalay sheegay in dhaqdhaqaaqu dhamaantii uu mamnuuc yahay marka laga reebo adeegyada lagama maarmaanka ah iyo adeegyada caafimaadka oo kaliya-na aymuwaadiniintu banaanka u aadi karaan.

“Xeerkan cusub ee dhaqdhaqaaqa xakamaynaya waxa uu dhaqan gali doonaa maalinta Khamiista ah, waxana uu waxa ka dambeeya booliska awood u siin doonaa inay ganaaxaan cid walba oo u hogaansami wayda codsiyada xakamaynta dhaqdhaqaaqa”ayuu yidhi Afhayeen u hadlay dawlada, waxana uu intan ku daray boolisku waxa ay fasax u haystaan inay qaadaan talaabo walba oo ay ku xakamaynayaan kulanada la mamnuucay iyo inay ganaaxaan cida ku xadgudubtay codsiyada ah in guryaaha la joogo”

Talaabdan u dambaysa ayaa ah mid ay UK doonayso inay ku xakamayso fiditaanka Coronavirus ee dalkeeda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More