UK Oo Joojisay Visaha Ay Siin Jirtay Maalgashiilayaasha Aan Ka Soo Jeedin Wadamada Yurub

Boqortooyadda Ingiirsa ayaa joojinaysa barnaamijka dalku galka ee loo yaqaan Tier1 oo ay siin jirtay hantiilayaasha hasta in ka badan labbo milayn oo gini, markaasna damacsan in ay maal gashadaan dalka Ingiirska.

Visahan oo la bilaabay sanadki 2008, Ayan qaadan jireen dadka aan u dhalan wadamada Yurub,  ayay dawladu sheegtay in loo istoicmaalay sifo khaldan oo lagu kala wareejiyo lacag aan sharci ahayn.
Qofka qaata Visahan ee daganaaada boqortooyadda muddo shan sanno ah, ayaa sharci ahaan ku noolan kara dalkaa waligii.

Wasiirka Cadaalada UK Caroline Nokes ayaa sheegay in ay gaadhay wakhtigii dib looga munaaqashoon lahaa sharciyadda ku duugan Visahan, iyadaa oo diirada la saari doono dadka aan u hogaansamin sharcigan.