Heemaal News Network
somali

Uk Oo Shaacisay In la Siidaayay Markab Shalay la Qafaashay Oo Lagu Eedeynayay Iran.

Xarunta UK ee La-socodka Hawlgalladda Ganacsiga Badda (The United Kingdom Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa goor dhow sheegtay in la sii daayey Markabkii Booyadlaha ee shalay laga qafaashay meel ka baxsan Xeebaha dalka Imaaraadka Carabta.

Markabkaasi oo lagu magacaabo MV Asphalt Princess Tanker waxaa la sheegay inay Dableydii qafaalatay ay isaga degeen Markabka oo haatan ku sugan Badda Arabian Sea.

Hadalka ka soo baxay Xarunta UK ee La-socodka Maraakiibta Ganacsiga ayaa lagu sheegay inay Gacan ammaan ah ku jiraan dhamaan Badmaaxiinta iyo Markabkaba.

Shalay ayey ahayd, markii ay dabley hubeysan qafaasheen Markabkaasi oo Calanka Panama ku safrayey, iyadoo Markabka loo jiheeyey Xeebaha dalka Iran.

Dowladda Iran wey beenisay inay Afduubkaasi ka dambeysay, balse, Maraykanka, UK iyo Israel waxay Iran dusha ka saareen Afduubka Markabkaasi iyo kuwo kale oo lagu weeraray Gacan-biyoodka Oman.

Related posts

Itoobiya:-Dagaal ka Dhex-qarxay Oromada iyo Amxaarada Oo Dhimasho Badan Gaystay.

Heemaall

Qaxootigii Ugu Horreeyay Ee Reer Afghanistan Oo Maanta Gaaraya Uganda.

Heemaall

Musharaxiinta Oo Caawa Kulan ku Yeeshay Guriga Xasan Sheekh.(Sawiro)

Heemaall