Heemaal News Network
Soomaaliya

UK Oo War kasoo Saartay Mooshinka Xisbiydu Hor-geeyeen Golaha Wakiilada Somaliland.

Madaxa xafiiska dowladda UK ee magaalada Hargeysa, Stuart Brown ayaa markii u horeysay ka hadlay mooshin dhowaan loo gudbiyey golaha wakiilada Somaliland.

Danjire Stuart Brown ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo mooshinkaasi, kaasi oo uu ku tilmaamay mid cadeyn u ah sida ay xisbiyada Somaliland uga go’antahay in la fuliyo heshiiskii qabsoomida doorashooyinka.

Mr. Brown ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuuna ku yiri “Waan soo dhowaynayaa mooshinkii xisbiyadu u dhamaayeen ee ku saabsanaa xubinimada gudida doorashooyinka”.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waa cadayn muhiim ah oo muujinaysa inay xisbiyada oo dhan ka go’an tahay inay fuliyaan heshiiskii 27-July ee laga gaadhay qabashada doorashooyinka Somaliland ee baarlamaanka iyo golayaasha deegaanad”.

15-xildhibaan oo kamid mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa mooshinkaasi u gudbiyey golaha, kaasi oo la filayo in Ciida dabadeed ay xildhibaanadu dood ka yeeshan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More