Heemaal News Network
Caalamka

UK Oo Xeerar Cusub Ku Soo Rogtay Shaqaalaha Soo-galootiga Ah Ee Dalkeeda Imanaya

Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku hawlan qorsheyaal lagu xakamaynayo soo galootiga gaar ahaan shaqaalaha xirfadooda looga baahan yahay gudaha dalkeeda, waxna ay tani qayb ka tahay qorshayaasha ay UK doonayso inay hirgliso wixii ka dambeeyay Brexit ee lagu xakamaynayo soo galootiga uga imaanaya Yurub inteeda kale.

Shaqaaluhu waxay u baahan doonaan inay buuxiyaan shuruudaha loo dajiyay oo ay ku jiraan xirfada, mushaharka iyo ku hadalka Luqada Ingiriisiga,

Qorshayaasha ayaa horseeday caro, dhalleeceeyna kala kulmay xubnaha mucaaradka iyo qaar ka mid ah ganacsatada iyaga oo markaas ku tilmaamay in uu yahay wax aan macquul aheyn.

Waakuwan shuruudaha loo dajiyay:

1. In uu haysto codsi la ansixiyay oo ka yimid loo shaqeeyaha
2. In shaqada uu qabanayo uu xirfadeeda leeyahay
3. In uu ku hadli karo luqada Ingiriisiga
4. In ay soo gasho mushahar dhan 20,480 pound-ka Ingiriiska ah ugu yaraan.
5. In ay soo gasho mushahar u dhaxeeya 23, 040 ilaa 25039 pound-ka Ingiriiska ah
6. In ay soo gadho mushahar ka badan 25, 600 oo pound-ka Ingiriiska ah.
7. In shaqada uu soo codsanayaa ay tahay mid dalka ay xirfadeedu ku yartahay.
8. In uu shahaado PhD ah ka hayto cilmiga Shaqadiisa ah.
9. In uu shahaado PhD ah ka hayto cilmiga kale ee la xidhiidha Shaqada uu soo codsaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More