Heemaal News Network
somali

UN. EU. AU IGAD Oo War Wadajir Ah Ka Soo Saaray Khilaafka Doorashada

Qaramada Midoobey iyo ururrada Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa soo saaray qoraal ay uga hadlayaan khilaafka ka dhex jira madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee salka ku haya qabsoomidda doorashooyinka dalka.

Kulanka ururradaasi ka yeesheen xaaladda cakiran ee Soomaaliya waxaa ka soo qeyb-galay kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ee arrimaha siyaasadda Rosemary DiCarlo, agaasimaha Afrika ee Midowga Yurub Rita Laranjinha, madaxa siyaasadda ee Midowga Bankole Adeoye, iyo xogahayaha guud ee IGAD Dr. Workneh Gebeyehu.

Qoraal ay soo saareen kulankaas kadib ayey ku sheegeen inay si aad ah uga walaacsan yihiin in is-mari waaga siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya oo sameyn xun ku yeelan kara nabadda, ammaanka, xasilloonida iyo baraaraha dalkan ka soo kabanaya burburka.

Qoraal ayaa lagu yiri, “Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha Soomaalida inay sii wadaan horumarkii laga sameeyey dhisidda dowladnimada, iyo siyaasadaha loo dhan yahay, gaar ahaan doorashooyinka iyo si nabdoon xukun isugu wareejiyo.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan caddeyneynaa go’aanka ah inaan taageeri doonin hanaanka kasta oo ah doorashooyin is-barbar socda, kuwa hal dhinac ah ama hindise kasta oo cusub oo hoggaamin kara muddo kordhin kasta oo lagu sameeyey muddo xileedyadii hore.”

 

Related posts

Xamaas Oo Shuruud Ku Xidhay Israa’iil

Heemaal

Xisbiga UCID Oo si Adag Uga Hadlay Xadhig Xukuumadu kula Kacday Musharixiin Xisbigaasi.

Heemaall

Mareykanka Cunaqabateyn Cusub kusoo Rogay Ruushka.

Heemaall