Heemaal News Network

IGAD Oo ka Jawaabtay Dacwad Uga Timid Somaliya Oo ka Dhan ahayd Kenya.

Qoraal la soo galiyay bogga Twitter ka Wasarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 20 bishan December, dalka Jabuuti lagu qaban doono shir uu soo qaban-qaabinayo Urur gobolleedka IGAD kaasoo looga wada hadlayo xiisada Diblomaasiyadeed ee labada dal Soomaaliya iyo Kenya.

Warkan oo ka soo baxay Urur Gobolleedka IGAD ayaa u muuqda mid jawaab celin u ah dacwad dowladda Soomaaliya u gudbisay IGAD kaasoo ka dhan aheyd Kenya.

Gaar ahaan dacwadan ayeey dowladda Soomaaliya si toos ah ugu gudbisay Ra’iisal Wasaaraha dalka Sudan H.E. Abdalla Hamdok ahna madaxa xiliggan ee Urur gobolleedka IGAD.

Khilaafka labada wadan ayaa cirka isku shareeray bishii hore markii ay dowladda Soomaaliya dalka ka saartay safiirkii Kenya, iyadoo dhinaca kalana u yeeratay safiirkii ka joogay magaalada Nairobi.

Related posts

Golaha Abwaaada Oo Baaq Iyo Digniin Kasoo Wada-saaray Xaalada Siyaasadeed Ee Somaliya

Heemaall

Itoobiya Oo Markii Ugu Horaysay Boqolaal Kun Oo Dollar Dul-dhigtay Madaxda TPLF.

Heemaall

Daacish Oo Jidgooyo Ku Dishay Askar Badan Oo Suuriyaan Ah

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More