Heemaal News Network

Urur Islaamka Oo Taageero U Balan-qaaday Dalal ay ku Jirto Somaliya.

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, Dr. Yuusuf Bin Axmed Al-Cuthmayni waxa uu shaaca ka qaaday inay Taageero Maaliyadeed oo Cusub siin dooonaan dalalka Somalia, Urdun, Nigeria iyo Gabon.

Bayaan ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Ururka OIC ee ku yaalla Magaaladda Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Kaalmada la siinayo Afartaasi Waddan loo adeegsan doono Mashaariicda kala ah: Arrimaha Bulshada, Maalgashiga, Dhaqanka, Xaalladaha Degdega, Jaamacadaha, Isbitaallada iyo Dugsiyada.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacinin xaddiga Lacageed ee loo qoondeeyey afartaasi Waddan, haddana waxaa qeyb ka mid ah Dhaqaalahaasi la siin doonaan Ururada ama Jamciyadaha Kheyriga ee dalalkaasi ka hawlgala.

Sanduuqa Midnimada Isaamka ayaa sida uu qorshahu yahay laga bixin doona dhaqaalaha loogu yaboohay dalalka Somalia, Urdun, Nigeria iyo Gabon.

Related posts

Shir Ay Lereyihiin Musharaxiinta Mucaaradka Oo Maanta Muqdisho Ka Furmaya

Heemaal

Midowga Yurub Oo War kasoo Saaray Ciidamada Ereteriya Ee ku Sugan Gobolka Tigreega

Heemaall

Abiy Oo ka Hadlay Sargaal sare Oo ka Tirsanaa Milatariga Itoobiya Oo la Sumeeyay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More