Ururka Qareenada Oo Dacwad ka Gudbiyay Xeerka Uu soo Saaray Wasiir Bayle.

Sii-hayaha Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa wajahaya dacwad maxkamadeed, kadib markii uu dhawaan soo saaray sharci cusub.

Ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaa ku doodaya in sharci uu Beyle soo saaray 20-kii bishan, uu gebi ahaanba yahay mid sharci darro ah oo uusan awood u laheyn.

Sharciga Beyle ayaa dhigaya ‘in lacag laga qaadi doono qareen walba iyo dadka ay u doodayaan ee dacwadaha ka furanaya Maxkamadaha’, isla markaana lagu sheegay inuu yahay Xeerka nidaaminta ajuurada Maxkamaddaha.

Afhayeenka ururka qareenada, Abuukaate Cali Xalane oo arrintaasi ka hadlayey, ayaa xeerka cusub ee ajuuradda maxkamadaha ku tilmaamey mid kusoo baxay qaab aan sax aheyn, maadama ay aheyd in lasoo marsiiyo Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka, isla markaana ay soo saarto wasaarada Garsoorku.

Abukaate Xalane ayaa si adag ganafka ugu dhuftay xeerkaasi uu soo saaray sii-hayaha wasiirka maaliyadu, isagoona sheegay inay dacwad uga gudbinayaan maxkamadda sarre ee dalka.

Xalane ayaa qorshaha xeerka Beyle uu soo saaray ku sheegay mid dhabaha u xaaraya musuq-maasuq hor leh inuu ka dhaco waaxda Garsoorka dalka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Abuukaate Daahir waxaa uu sheegay in Wasiir Beyle uu kamid yahay xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay,sidaasi daraadeedna uu yahay kaliya siihaye xeerna uu soo saari Karin,waxaana uu sharaxaad eheri ah ka bixiyay Xeer nidaamiyaha uu soo saaray Wasiirka iyo Xeer nidaamiyihii hore.

Xeerka Ajuuradda Maxkamaddaha ee uu dhawaan soo saaray Beyle ayaa waxa uu dhigaya in qareenada ay bixiyaan lacag dhan $500 si ay u sameystaan aqoonsi, midaasi oo sanadkiina laga rabo kala bar midda markii hore laga qaaday.

Sidoo kale waxa xusid mudan oo xeerkaasi ku jirra in qofkasta oo dacwad ka furanaya maxkamadaha dalka laga rabo lacag dhan $200, middaasi oo si weyn looga hor-yimid.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy