Heemaal News Network
somali

Ururka Taliban Oo Amar Dul-dhigtay Haweenka ka Shaqeeya Xarumaha Caafimaadka.

Taliban ayaa ka codsatay haweenka ka shaqeeya wasaaradda caafimaadka ee dalkaas inay dib ugu laabtaan shaqadooda.

Afhayeenka kooxda Zabihullah Mujahid ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay “in haweenkan ay si joogto ah shaqadooda dib ugu laabtaan”

Balse ma uusan soo hadal qaadin waxa ay ku dambeyn doonto xaaladda dumarka kale ee ka shaqeeyo dalkaas.

Horraan Taliban waxay haweenka dalkaas fartay in guryahooda ay joogaan si ay u ilaaliyaan amnigooda.

Haweenka Afghanistan waxay walaac ka muujinayeen mustaqbalkooda kadib markii kooxda Taliban ay la wareegtay dalka.

Related posts

Erdogan Oo ka Qeyb-galay Tababar Turkiga Loogu soo Xiray Saraakiil ka Tirsan Somaliya

Heemaall

Madaxwayne Biixi Oo U Digay Xildhibaano Hadalo Adag ka Jeediyay Borama.

Heemaall

Koobka Ramadaanka Ee ay Qabteen Mushariinta Fu’aad Iyo Sharmaake Oo lasoo Gabagabeeyay.

Heemaall