USA: Soomali Xidhiidh La Sameeyey Wariye Afduub Loogu Haysan Jiray Soomaliya Oo Xabsi Ku Galay

Maxamed Tahliil oo ah muwaadin Soomaliyeed oo ku nool Maraykanka ayaa lagu eedeeyey danbiyo culus oo uu ku mutaysan karo xabsi daa’in.

Tahliil ayaa fariin uga diray bartiisa Facebooka wariye Michael Scott Moore sanadihii 2012 madax furasho loogu haystay dalka Soomaliya iyadda oo ay qafaasheen koox budh cad ahi.

Tahliil ayaa fariinta uu u qoray wariyahu ay ahayd, “How are you, Michael?” the message said. “I am ur friend Mohammed Tahlil. I wants to speak with u.” sideed tahay Micheal, waxaan ahay saaxiibkaa Mohamed Tahliil oo doonaya in uu kula hadlo.

Kadib wariyaha ayaa galay barta facebkooga uu ku leeyahay Tahliil halkaas oo uu ka arkay sawaridaiisa uuna aqoonsaday in uu ka mid ahaa ragii afduubka u haystay, ee ay hooyadii siisay lacag madax furasho oo dhan hal milyan iyo lix boqol oo kun oo dollar , oo qaar ka mid ahi ay ku dhinteen isqabqabsi ka dhex qarxay sidii loo qaybsan lahaa lacagta.

Waxaana uu wariyuhu war galiyey ciidanka danbi baadhista oo markii danbe xabsiga dhigay Tahliil, iyaga oo ku eedeeyey danbiyo aya ka mid yihiin isku day dil oo uu ku mutaysan karo xabsi daa’ain.

Tan oo kale ayaa horay u dhacday kadib mid ka mid ah rag afduub u haystay haweenay wariyad ah oo ka soo jeeda dalka Kanada, markii uu damcay in uu la sameeyo xidhiidh gaar ah isaga oo istricmaalaya Facebooka, taas oo uu markii danbe xabsi ku galay.