Virgil Van Dijk Waa Dhaqihii Toban Sanno Ka Hor Haddana Ah Difaaca Ugu Qaalisan Caalamka

Nolosha ayaa ah mid isku badali karta il-bidhiqsiyo gudahood, qofkii aan aaminsanayn in riyooyinka la rumayn karo adiga oo ku sugan saaxada ugu hooseysa ee nolosha waxa tusaale ugu filan wadada uu soo maray daafaca xulka Holland iyo kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk.

Virgil ayaa mudo 10 sano kahor ah ahaa gacan yare maqaaxi lagu magacaabi jiray Jean restaurant oo ku taala magaalada uu kasoo jeedo ee Breda halkaas oo uu ahaa shaqsiga dhaqa distida (Weelka cunada lagu kariyo) ee maqaaxidaas haatana waxa loo tix geliyaa mid kamid ah daafacyada dhexe ee ugu fiican dunida.

Habeenimadii Isniintii, Van Dijk ayaa sameeyay dhacdada ugu cajiibsan ee ilaa hada waayihiisa ciyaareed isaga oo wakhtigii dhimashada gool gantaal ah ka dhaliyay xulka Germany si uu dalkiisa ugu hoggaamiyo afar dhammaadka Nations League.

Jacques Lips oo ahaa mulkiilaha maqaaxida uu VVD ka xamaalan jiray ayaa sheegay inuu xiddigan u sheegi jiray inuu iska joojiyo ciyaarista kubadda cagta isla markaana uu weelal badan xalo si uu lacag u helo balse Virgil marnaba ma ahayn shaqsi ka leexda riyadiisa.

Dhinaca kale, Lips ayaa sheegay inuu la yaabay lacagta ay kooxda Liverpool ka bixisay ee 75-ka Milyan ah isla markaana uu weli maqaaxida yaalo teleefan lambarka xiddigan iyo magaciisa isaga oo ku sheegay inuu ahaa shaqsi wanaagsan.

Mulkiilaha ayaa yidhi “75 Milyan Miyaa? Waxaan ku qasbanaaday inaan lacagtaas dib u akhriyo markii aan maqlay, Wali ma rumaysan karo, Dabcan waa lacag waali ah”
“Waxa uu ahaa shaqaale wanaagsan, Waxa uu u shaqayn jiray si adag isaga oo shaqadiisa u qaban jiray si joogto ah, Waxa uu halkan joogi jiray labada habeen ee ugu mashquulka badan toddobaadka”

“Waxa uu markasta u tababaranayay si adag si uu iskugu dayo una noqdo xiddig caalami ah waxaana uu ku biiray akaademiyada kooxda aan jaarka nahay ee Willem II”
“Shaqada kaddib, Markasta aabihii ayaa baabuur ku qaadi jiray isaga, Waxan markasta isaga u sheegi jiray inuu maydho dusuudo badan oo uu joojiyo isku dayga uu ku doonayo inuu noqdo xiddig caalami ah”

“Majiro qof halkan jooga oo waligiis iloobay Virgil, Waxa uu ahaa wiil wanaagsan, Lambarkiisa iyo magaciisu waa kuwo wali halka yaala, Waxaan isku dayay inaan waco aniga oo aan waydiisanayn inuu soo noqdo balse doonaya inaan u hambalyeyo”

Wadada uu VVD usoo maray guushiisa ayaa ah mid tusaale u ah shaqsi kasta oo yool ka leh nolosha waxaana xusid mudan in disti dhaqe Van Dijk uu haatan xoogsado aduun dhan 10 Milyan.

Xigasho Laacib