Heemaal News Network
somali

Vladimir Putin Oo Mar Kale La Hadlay Ciidamada Nukliyeerka Ee Ruushka

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa mar kale u baaqay awoodda nukliyeerka ee Ruushka iyadoo ay sii socoto colaadda Ukraine, waxa uu sheegay in nidaamka cusub ee gantaallada ballistic-ga ee Ruushka ay tahay in cadawga Moscow ay dib u fikiraan.

Isagoo ku dhawaaqay duulaanka Ruushka ee Ukraine sideed Isbuuc ka hor, Putin wuxuu uga digay reer galbeedka in isku day kasta oo looga hortagayo “ay horseedi doonto natiijo aan la mahadin oo aan horay loo arag taariikhda adduunka”. Dhowr maalmood ka dib, wuxuu amar ku bixiyay in ciidamada Nukliyeerka ee Ruushka heegan la geliyo.

Bartamihii bishan April Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa Jimcihii sheegay in caalamka uu u toog hayo suuragalnimada ah in Ruushka uu duqeyn nukliyeer ah u adeegsan doono dalkiisa.

Zelensky oo u warramay telefishinka CNN ayaa sheegay in walaac xooggan uu ku abuuray hadal uu sheegay agaasimaha CIA oo tilmaamay in Ruushka uu si xeeladaysan hubka nukliyeerka ugu adeegsan karo colaadda Ukraine.

“Ma aha mid ii gaar ah, balse waa walaac uu qabo caalamka oo dhan. Waxaa suuragal ah in xogtaas ay dhab tahay ama ay noqon karto mid been ah,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa bishii hore sheegay in “xiisadda Nukliyeerka, oo markii hore ahayd mid aan la qiyaasi karin, ay hadda dib u soo laabatay ay aad u sareyso suurtagalnimada ah in la adeegsado.”

Related posts

Bandow Afar Cisho ah Oo Lagu Rogay Xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Heemaall

“Xukuumadda Biixi Dadka Ha U Sheegto In Saylac Laga Saaray Dalka” Xisbiga Waddani.

Heemaall

Minneapolis: Maxamed Nuur Oo Xukun Cusub Oo Xabsi ah Lagu Riday Markii la Laalay Xakunkii Hore

Heemaall