Heemaal News Network
Caalamka

Waali: Shiinaha Oo Sheegay Cida Uu U Codaynaayo “Labbada Dalba Waan Taageeraynaa”

Dowlada Shiinaha ayaa ka hadashay loolanka u dhaxeeya dalalka Jabuuti iyo Kenya oo ku aadan kursiga joogtada ah ee golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

Xukuumada Beijing ayaa balan qaaday in ay taageeri doonto labada wadan, balse waxay ka gaabsatay dalka ay u codeyn doonto.

Shiinaha ayaa xiriir wanaagsan wuxuu la leeyahay labada dhinac kaasi oo la xiriira dhanka ganacsiga iyo dhismaha.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii wasiirka arimaha dibada Shiinaha, Wang Yi uu magaalada Jabuuti kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Mr Wang Yi ayaa balan qaaday in dalkiisa uu sii xoojin doono xiriirka saaxiibtinimo ee kala dhaxeeya dalka ku yaal geeska Afrika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More