Heemaal News Network
somali

Waare Oo Carqaladayn ku Tilmaamay Guddiga Uu Farmaajo U Magacaabay Kiiska Ikraan

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay Guddiga baaritaanka ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadsy ee Far.aajo uu u magacaabay baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil.

Qoraalka uu Waare soo dhigay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddigaas uu yahay mid siyaasadeeysan oo lagu carqaladeeynayo Cadaaladda.

“Tan waxaa ay u eg tahay Carqaladaynta Caddaaladda! Maxaad ugu wareejin weyday kiiska hay’adaha awoodda u leh ee hore u jiray? Maxaa loo abuurayaa Guddi? ilameereeyso ah, laga yaabee inay tahay siyaasad: waa in aysan u noqon cadaalad ayuu yiri” Waare.

Dad u badan siyaasiyiin ayaa Guddiga uu Magacaabay Farmaajo waxaa ay ku tilmaameen mid uu ku doonayo in lagu baabi’iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Related posts

Jacob Zuma Oo Maanta Fasax Ka Qaatay Xabsiga Si Uu Uga Qayb Galo Xaflad

Heemaal

Nasrallah Oo ka Hadlay Weeraro ay Is-weydaarsadeen Israel.

Heemaall

Puntland Oo U Digtay Shaqaalaha Ajaanibta ah Ee ka Hawlgala Degaannadeeda.

Heemaall