Heemaal News Network
Caalamka

Wadahadalo Lagu Soo Afjarayay Cunaqatayntii Dawlada Qatar Oo Burburay

Wadahadaladii u dhaxeeyay Sacuudi Carabiya iyo Qadar si loo xaliyo muranka cakiran ee u dhaxeeyay dalalkan khaliijka ayaa burburay, isla markii ay bilaabmeenba, sida ay lix ilo wareed u sheegeen wakaalada Wararka ee Reuters, waxana ay guuldaradan meesha ka saaraysaa laba arimood oo tan hore ay ahayn in cunaqabtayta laga qaado Qatar, iyo in dalalka Carbeed ee Khaliijku ay u midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen saamaynta Iran ee gobolka bariga dhexe.

Ilo-wareedyada ayaa waxa ay isku raacsan yihiin in wadahaladan ay u burbureen kala aragti-duwanaasho ku aadan sida xiisada loo soo afjarayo, waxana ay Qatar ahmiyada siinaysaa in xoriyada dhaqdhaqaaqa loo soo celiyo dadkeeda, lana qaado xayiraada dhinaca hawada ah ee lagu soo rogay, iyo sidoo kale in la furo xuduuda kaliya ee dhinaca dhulka ah ee ay la wadaagto Sucuudiga, sida ay sheegeen 4 dibloomaasiyiin reer galbeed ah oo ku sugan Khaliijka iyo laba ilood oo aad ugu dhuun daloola Qatar. .

Dhinaca kale, Riyadh waxay dooneysay Qatar inay marka hore muujiso isbeddel la taaban karo oo ah inay badasho habdhaqankeeda, gaar ahaan siyaasadeeda arrimaha dibedda ee taageerta kooxaha ku kacsan dalalka cunaqabatayta ku soo roga, sidana waxa isku raacsan sheegayna saddex ka mid ah diblumaasiyiintaas.

Dhinacyada Wasaaradaha Warfaafinta ee Riyadh iyo Doxa labaduba kama aysan soo saarin wax faalo ah oo ku aadan burburka wada-hadaladan

Mid ka mid ah diblumaasiyiinta ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay doonayso in wadahadalada laga soo bilaabo gunta hoose, Qatarna ay la timaad rabitaan ah in xiisada la qaboojiyo, iyo qorshe cad oo ku saabsan sidii xal laba dhinacle ah loo baadi-goobi lahaa.

Dhinaca kale doonitaankan Sucuudiga ayaa wali mugdi kaga jiraa dhinaca Doxa waxana ay dublamaasiyiintu yidhaaheen “Taasi waa mid aanan wali u bilawnayn Qadar maadaama ay jiraan khilaafaad fara badan oo xagga arrimaha dibedda ah.”

Dhinaca Sucuudiga, Riyadh waxay dooneysaa in waxwalba ay guul siyaasaddeed ku dhamaadaan ka hor inta aanu caradeeda ka qabsoomin shirka 20-ka dale e dhaqaalaha hore uga maray ay ku qabsanayaan Riyad, waxana ay xalinta xiisadan ahmiyada u saaraysaa sidii ay Sumcadeedii ku dhaawacantay dilkii Jamal Khashuqji ee sanadkii 2018 ay dib ugu soo ceshan lahayd.

Ilo xog ogaal u ah fikirka Sucuudiga ayaa sheegay in Riyadh ay rajo ka qabto in wada hadalada ay midho dhalaan laakiin, wax walba waxa ay u muuqdaan kuwo dib loo soo bilaabayo, lagana soo amba qaadayo halkii ay taagnaayeen 2017kii oo ahayd in Afarta dowladood ee Qatar Cunaqabateeyay 2017kii ay Doha u soo bandhigay liis ay ku qoran yihiin 13 dalab, oo ay ku jiraan xiritaanka shabakada telefishinka Al Jazeera, xiritaanka saldhiga Turkiga, joojinta taageerada Ururka Ikhwaanul Muslimiinka iyo hoos u dhigida xiriirka Iran.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani, oo booqday Sacuudi Carabiya si uu wadahadal ula yeesho, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters 14kii Diseembar in ay jiraan “horumar yar”, balse ilo wareed gudaha Qatar ah ayaa aaminsan in waxwalba iyo wada-hadaladuba ay yihiin kuwo dhamaad, kuna dhamaaday is-afgarad la’aan sababta oo ah Xulafadu uma diyaar aha fulinta dalabka Qatar oo ay u arkaan mid aan macquul ahayn, tan ka soo horjeedkeedana Doha ma doonayso inay noqoto dal-yar oo looga arimiyo Riyadh mana fulin karto doonitaanka xoogan ee Xulafada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More