Heemaal News Network
somali

Wadan yurub Ah Oo Joojay In Uu Qaabilo Soomalida

Dowladda Gariiga ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin dadka magangalya doonka ah ee uga imaanaya wadamada Syria iyo Soomaaliya, kuwaasi oo kasoo gudbaya dalka Turkiga.

Wasaaradaha arrimaha dibada iyo soo galootiga ee dalka Gariiga ayaa sheegtay bayaan ay si wadajir ah u soo saareen in qaraarka xukuumadda Athina uu yahay mid saameyn doona dadka magangalya doonka ah ee kasoo jeeda wadmada Afgaanistan,Pakistan,Bangaladesh iyo Soomaaliya.

Labadaan Wasaaradood ayaa sheegay in Turkiga uu yahay dal u diyaarsan inuu qaxootiga magangalyo siiyo aysana aqbali doonin dadka xadka uga soo talaabaya ee magangalya doonka ah.

Wasiirka socdaalka Gariiga ayaa sheegay in dalkiisa xiligaan wixii ka dambeeya aysan qaabili doonin ama aqbalayn dalabyada magangalkya doonka ah ee wadama muwadiniintooda ka soo talaabayaan Turkiga.

Qaraarkaan cusub ayaa ah mid dowladda Gariiga ay ku tilmaamtay mid ay kula dagaalamayso soogalootiga sharci darada ah iyo kuwa dadka tahriibiya.

Related posts

Mid ka Mid ah Kawaanada Hilibka Ee Muqdisho Oo Ganacsato Laga Xaraashay.(Sawiro)

Heemaall

Saldhigyada Ciidamada Kenya Ee Jubooyinka Oo La Weeraray

Heemaall

Xisbiga Kulmiye Oo Kulan la Yeeshay Xildhibaanada Cusub Ee Uga Soo Baxay Gobolada.

Heemaall