Heemaal News Network

Wafddi ka Socday Kenya Oo Muqdisho kula Shiray Masuuliyiinta Dawlada Somaliya.(Sawiro)

Wafdi sare oo ka socda dowladda dalka Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau, iyada oo booqashadoodu qaadaneyso hal cisho.

Wararka ayaa sheegaya in wafdigan ka socda Kenya ay kulan la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada-hadlay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen arrimo ku aadan iskaashiga labo geesoodka iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa qaadka ay Kenya keeni jirtay gudaha Soomaaliya, kaas oo la hakiyey wixii ka dambeeyey, tan iyo markii uu dilaacay cudurka faafa ee Coronavirus.

Socdaalkan wuxuu sidoo kale ku soo aadaya, xilli dhowaan ganacsatada qaadka Kenya ay dowladdooda ka dalbadeen in dib loogu furo xuduudka iyo qaadka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa sanadihii u dambeeyey wuxuu xiriirkoodu ahaa mid hooseeya, kaas oo ka dhashay kiiska Badda ee hor yaalla maxkamadda ICJ.

Related posts

Dowladda Itoobiya Oo Hub ka Dhigis ku Samaysay Askarta Tigrayga Ee ka Jooga Somaliya.

Heemaall

Trump Oo Markii Ugu Horaysay Qirtay in Laga Guuleystay

Heemaall

Dad Lagu Laayay Weerar Lagu Qaaday Masjid ku Yaala Waqooyiga Nigeria.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More