Heemaal News Network

Wafdi Mareykanka ah Oo Uyimid Khilaafka Somaliya Oo soo Gaaray Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa soo gaaray wafdi ka socda dowladda Mareykanka gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wafdigan oo sida la sheegay la socday laba diyaaradood oo kasoo degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa waxaa maanta lagu wadaa inay kulan gaara la qaataan Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegaya in kulanka oo ka dhici doona Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, is marin waaga ka taagan doorashada iyo taageerada Mareykanka siiyo Soomaaliya.

Sidoo kale Wararka intaas kusii daraya in kulanka ay ka qeyb geli doonaan Diblomaasiyiin kala duwan oo ka socda dowladda Mareykanka, mana jirto faah faahin intaas ka badan oo la helay.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Yamamoto ayaa horey Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay xal buuxa ka gaaran doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara qalalaaso siyaasadeed.

Related posts

Xoghayihii Ugu Horeeyey Ee Maamulka Biden Oo Laga Eryey Aqalka Cad

Heemaal

Israa’iil Oo U Diyaargarawday Weeraro ay ka Cabsi Qabto.

Heemaall

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Warbiyay Safarka Biixi Ee Kenya

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More