Wafdi Uu Hogaaminayo M/Kuxigeenka Jubbaland Oo Gaaray Magaalada Addis Ababa.

Wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, iyagoo ka ambabaxay Kismaayo.

Maxamuud Siyad Aadan ayaa waxaa socdaalka ku welinayay Wasiiro ka tirsan Jubbaland iyo Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Maamulkaas, waxaana garoonaka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya.

Wafdigaan ka socday dowlad Goboleedka Jubbaland ee tegay Addis Ababa ayaa Casuumad rasmi ah ka helay Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyagoo kulan la qaadan doona Mas’uuliyiin ka tirsan dowladdaas.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Jubbaland oo ku aadan socdaalka wafdiga ka socday iyaga ay Maanta oo Iniin ah ku gaareen Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy