Heemaal News Network
somali

Wafdi Uu Horkacayo Muuse Biixi Oo Gaaray Magaalada Berbera.(Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo ugu baxay galabta xarunta gobolka Saaxil ee Berbera.

Madaxweynaha iyo xubnaha wefdiga ah ee la socda ayaa waxa si diirran u soo dhaweeyey madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, siyaasiyiin iyo madax kale.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa furay shirweynaha horumarinta beeraha Somaliland oo socon doona dhawr maalmood.

Shirweynahan ayaa lagaga doodi doona muhiimdda ay leedahay kor u qaadista wax-soosaarka beeraha iyo tayeynta beeralayda yar-yar oo soo kordhin doona isku-filnaansho dhanka cuntada ah oo uu qaranku gaadho.

Related posts

Xisbiyada Mucaaridka Ismamulka Somalida Itoobiya Oo War kasoo Saaray Dibu Dhigista Dorashada.

Heemaall

Olole ka Bilowday Dowlad deegaanka Somalida Itoobiya.(Sawirro)

Heemaall

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Haweeney Xil Cusub U Magacaabay

Heemaall