Waftigii Muuse Biixi Oo Gaadhay Magalada Berbera si Wayna Loogu soo Dhaweeyay.(Sawiro)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo saaka ka amba baxay Hargeysa, ayaa si ballaadhan oo aan kala hadh-ahayn loogu soo dhaweeyey magaalada Berbera iyo guud ahaanba deegaannada dhinaca galbeed kaga teedsan.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa waxa deegaanka Cumar ku-joog ku qaabilay madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, waxana intaas kaddib soo dhaweyn diirran oo aan loo kala hadhin ay kala kulmeen bulshada ku dhaqan deegaannada Dacar-budhuq, Abdaal, Xammaas iyo magaalooyin kale oo ku yaalla inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.

Shacabka ku dhaqan magaalada Berbera oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay kaantaroolka galbeed ee magaalada, waxana ay u galbiyeen dhinaca magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu socod lug ah shaaracyada magaalada kula Soo maray shacabkii soo dhaweeyey.


Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy