Heemaal News Network

Wakiilo ka Socda Beesha Caalamka Oo Gaaray Garawe Lana Kulmay M/Den. (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Garawe gaaray Wakiilo katirsan beesha Caalamka uu hogaaminayay Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez , waxaana wafdiga qeyb ka ahaa Safriida Taliyaaniga iyo Sweden u jooga Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe, wafdiga uu hogaaminayay Nicolás Berlanga oo safar aan horey loo shaacin ku tagay Garawe.

Kulanka Madaxtooyada Garawe ku yeesheen Madaxweynaha Puntland iyo wakiilada ka socday beesha caalamka ayaa intiisa badan looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada.

Nicolás Berlanga iyo xubnaha la socday ayaa Madaxweynaha Puntland kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya iyo sidii Puntland qeyb uga noqon laheyd xal u helida ismari waaga siyaasadeed ee taagan.

Wakiiladan maanta gaaray magaalada Garawe ayaana gaarsiiyay Madaxweyne Deni fariin ay uga sideen Wakiilada kale ee ku sugan Xarunta Xalane, waxa ayna ugu baaqeen Deni in uu aqbalo ka qeyb galka shirka uu iclaamiyay Farmaajo.

Madaxweynaha Puntland oo xalay Garawe ka hadlay ayaa shuruudo ku xiray ka qeyb galka shirka looga hadlayo arimaha doorashada uu iclaamiyay Farmaajo, waxa uuna Deni eedeyn xoogan u jeediyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo.

Related posts

Maxkamada Ciidamada Ao Xukun Adag ku Riday Rag ka Tirsanaa Al-Shabaab

Heemaall

Isku-dhacyo Dhexmaray Kooxaha Xagjiriinta Maraykanka Ee Proud Boys iyo Antifa

Heemaall

Somaliland Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Lix Qof

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More