Heemaal News Network
Cayaaraha

Walxo La Garan Waayey Oo Laga Helay Meel Aan Ka Fogayn Garoonka West Ham

Booliiska ayaa looga yeeray meel u dhaw garoonka London Stadium oo ay leedahay kooxda West Ham kadib markii lagu arkay walxo la aqoon waayay.

Waxyaabaha aan la aqoon ayaa lagu arkay goob hawlo hormarineed laga waday oo aan ka fogeyn garoonka, waxaana lagu soo warramayaa in sheekadaan ay qalqal galineyso qabsoomidda kulanka ay kooxaha Arsenal iyo West Ham ku ballansan yahiin garoonkaas 9-ka Diseembar.

Kooxda ku takhasustay miino-baaridda ayaan goobtaas tagi doonin ilaa laga gaaro 25-ka November, waxeyna taas ka dhigan tahay in kulanka isbuuca soo aadan ay Tottenham Hotspur la leeyahiin uu u dhacayo sida uu qorshaha yahay.

Meel 150 Mitir u jirta garoonka ayaa laga helay, waxaana durba lagu wargaliyay booliska oo si dhaqso leh goobta u soo gaaray.

Afhayeen u hadlay shirkadda London Legacy Development Corporation oo hawlaha hormarineed ka qabaneysay meeshaas, ayaa ka dhawaajiyay in sheyga la helay la garan la’yahay, sidoo kalana ay ahaayeen wax dhulka lagu duugay.

Masuulkaan wuxuu beeniyay in sheygaan uu ka mid yahay haraadigii dagaalkii labaad ee adduunka, wuxuuna saxaafadda u sheegay ineysan wax u jirin sida ay warbaahinta qaar faafisay.

Sababta shakiga looga qabo qabsoomidda kulanka West Ham iyo Arsenal ee 9-ka Diseembar ayaa lagu sheegay in qolyaha miino-baarista ay shaqo ka bilaabi doonaan halkaas 25-ka November waxaana laga yaabaa iney shaqadaas wadaan muddo laba isbuuc ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More